Dietmar Hamann Halyeeygii Liverpool oo si adag udhaliilay Liverpool kuna sheegay in …

0

Dietmar Hamann ayaa dhaliil kulul u jeediyay siyaasadda suuqa kala iibsiga ee Liverpool, wuxuuna shaki xooggan ka muujiyay in ay ku guuleysan karto inay xilli ciyaareedkan ka mid noqoto afarta kooxood ee ugu sarreysa horyaalka Premier League.

Isagoo ka hadlayay bilowga adag ee ay Reds la kulmeyso, halyeeygii hore ee Liverpool wuxuu qabaa in kooxda ay wajahayso tartan qallafsan oo ay ugu jirto booska afarta sare. Liverpool ayaa dhawaan guuldarro xun 3-0 ah kala kulantay Manchester City, iyadoo badiyay kaliya labo ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka.

Advertisment

Inkasta oo ay uga jawaabeen guul 6-3 ah oo ay bannaanka kaga soo gaareen LASK tartanka Champions League, haddana waxay maanta oo Sabti ah wajahayaan kooxda Brentford oo ku jirta kaalinta afraad:- “An ay Liverpool xilli ciyaareedkan ka mid noqoto afarta sare waxay noqon doontaa guul weyn, balse ma arko iyagoo gaaraya,” ayuu yiri Hamann, isagoo tilmaamay tartanka adag ee uga imanaya Arsenal, Manchester City, Chelsea, Brighton, iyo Brentford.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here