Didi Hamann Oo Saadaaliyay 4-ta Kooxood Ee Ku Dhamaysan Doona Boosaska Ugu Sareeya Premier League.

Didi Hamann ayaa u saadaaliyay Manchester United inay ku dhameysan doonto meel ka sareysa Arsenal xilli ciyaareedka soo socda.

Red Devils ayaa hoos ugu dhacday heerkii ugu hooseeyay abid ee Premier League xilli ciyaareedkii hore, iyadoo ku dhameysatay kaalinta sideedaad.

Inkasta oo ay Man United soo bandhigtay qaab ciyaareed Liita xilli ciyaareedkii hore hadana Hamann ayaa aaminsan in ay Man United ku dhamaysan doonto meel ka saraysa Arsenal.

Gunners ayaa laba xilli ciyaareed oo xidhiidh ah ku tartamay horyaalka premier League laakiin labadaas xilli ciyaareedba waxa ay ku dhamaysteen kaalinta 2-aad.

Hamann  ayaa rumaysan in ay Arsenal lumisay fursadoodii isla markaas ay ku dhamaysan doonto kaalinta 3-aad kana hoosayn doonaan Man United iyo Man City.

Xiddigii hore ee khadka dhexe ayaa kooxdiisii hore ee Liverpool u saadaaliyay in ay kaalinta 4-aad kaga dhamaysato premier League.

“Way adag tahay in aan la arkin Manchester City halka ay had iyo jeer ku sugan yihiin [kooxda ugu saraysa Premier League],” Hamann ayaa u sheegay TopOffshoreSportsBooks markii la waydiiyay saadaashiisa afarta sare ah.

“Ma hubo fursadaha Liverpool sababtoo ah waxay lumiyeen fursadahooda”.

“Waxan u saadaalin doonaa Man City iyo Man United kaalmaha ugu horeeya hadii ay la soo saxiixdaan xiddigaha lala xidhiidhinayo, Kadib Arsenal ayaan u saadaalin doonaa kaalinta 3-aad Liverpool-na kaalinta 4-aad”ayuu yidhi.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga