Dib U Eegid: Liverpool Oo Boodhka Ka Jaftay Rikoodh Ay 4 Xilli Ciyaareed Oo Hore Sameeyeen.

Kooxda Liverpool ayaa sii wada wacdarihii ay ka dhigaysay premier League xili ciyaareedkan.

Reds ayaa garaacday Everton kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa horyaalka premier League.

Goolal ay dhaliyeen Ryan Gravenberch Iyo Hugo Ekitike ayaa Reds ka caawiyay in ay dhaafto kooxda ay jaarka yihiin.

Kadib guusha, Liverpool ayaa badisay kulankeedii 5-aad oo xidhiidh ah horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Waa markii ugu horaysay ee ay Liverppol badiso 5-ta kulan ee ugu horaysa tan ilaa xilli ciyaareedkii 1978-79, 1990-91, 2018-19, iyo 2019-20.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga