Dhirbaaxo: Xiddig Muhiim Ka Ah Kooxda Pep Guardiola Oo Garoomada Ka Maqnaan Doona Inta Ka Dhiman Xilli Ciyaareedka.

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa ka dhawaajiyay in Ederson uu halis ugu jiro inuu dhaawac ku seego inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Goolhayaha reer Brazil ayaa lagu qasbay inuu baxo waqtigii nasashada ee kulankii Axadii ay 2-0 kaga badiyeen Nottingham Forest sabab la xidhiidha dhaawac garabka ah.

Ederson ayaa u muuqday in uu dhaawac soo gaaray markii ay isku dhaceen Willy Boly, ka hor inta uusan daweyn ka helin shaqaalaha caafimaadka ee Man City.

Goolhayaha 30 jirka ah ayaa dhamaystay qaybtii hore ee ciyaarta ka hor inta aan lagu badalin Ortega qaybtii dambe.

Markii wax laga weydiiyay Ederson ciyaarta ka dib, Guardiola ayaa u sheegay suxufiyiinta: “Uma muuqato mid wanaagsan, waxaan la kulmi doonaa berri dhakhtarka.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga