Chelsea waxa ay la kulantay dhaawac kale oo cusub, kaddib markii Jamie Gittens uu dhaawac ku baxay intii uu ciyaarayay kulankii xulka England habeenkii Jimcaha, sida uu sheegay The Standard.
Gittens, oo xagaagan laga soo qaaday Borussia Dortmund, ayaa hadda laga shakisan yahay inuu diyaar u noqon doono kulamada soo socda ee Blues.
Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa dhaawacmay kadib markii uu jalaafo kala kulmay xiddiga James McManus.
21-jirkan ayaa markiiba galay tunnel-ka garoonka kadib markii Joshua King lagu beddelay.
Gittens waxa uu xilli-ciyaareedkan Chelsea u ciyaaray 14 kulan oo dhammaan tartamada ah, isagoo hal gool dhaliyay isla markaana saddex gool ka caawiyay.
Chelsea ayaa Premier League la ciyaari doonta Burnley kadib fasaxa caalamiga ah iyada oo sidoo kale la ciyaari doonta kooxaha Barcelona Iyo Arsenal.
Be the first to comment