Dhirbaaxo: Real Madrid Oo Shaacisay Nooca Dhaawaca Soo Gaadhay Jude Bellingham Iyo Mudada Uu Maqnaan Doono

Kooxda Real Madrid ee Spain ayaa shaacisay, iyada oo adeegsaneysa boggeeda rasmiga ah, nooca dhaawaca uu soo gaaray xiddiga reer England Jude Bellingham, kaas oo uu ku dhaawacmay kulankii ay la ciyaareen Rayo Vallecano ee horyaalka La Liga.

Xiddiga reer England ayaa dhaawacmay daqiiqaddii 9aad, taasoo keentay inuusan sii wadan karin ciyaarta, waxaana lagu beddelay Ibrahim Díaz kulankaas oo ay Real Madrid si dhib badan ugu badisay 2-1.

Kooxda ayaa bayaan ku tiri:

“Kadib baaritaanno caafimaad oo maanta lagu sameeyay ciyaaryahankeena Jude Bellingham oo ay sameeyeen dhakhaatiirta Real Madrid, waxaa la ogaaday inuu qabo jeex muruqa ah ee lugtiisa bidix. Xaaladdiisa caafimaadna si joogto ah ayaa loola socon doonaa.”

Sida ay qoreen warbaahinno badan, Bellingham ayaa la filayaa inuu ka maqnaado Real Madrid muddo 4 toddobaad ah dhaawacan dartii.

Xiddiga reer England ayaa seegi doona kulamada ay Real Madrid la ciyaari doonto:
Valencia, Real Sociedad, labada kulan ee Benfica, Osasuna, iyo Getafe.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga