Dhirbaaxo: Laba Xiddig Oo Ka Dhaawacmay Man United

Harry Maguire ayaa u muuqday inuu dhaawac muruqa bowdada ah (hamstring) ka soo gaaray kulankii Manchester United iyo Tottenham, taasoo sababtay in la beddelo qeybtii labaad kadib markii daawayn degdeg ah lagu sameeyay.

Daafaca reer England oo xilli ciyaareedkan qaab fiican ku jira, ayaa la arkay isagoo la halgamaya dhaawac daqiiqado yar kadib marka ay saacaddu dhaaftay ciyaarta Sabtidii ay United 1-0 ku hoggaaminaysay Spurs.

Wuxuu helay daawayn muddo gaaban ah, iyadoo faallooyinka TNT Sports ay soo jeediyeen inuu dhaawac soo gaaray muruqa bowdada.

Leny Yoro ayaa beddelay Maguire, waxaana hadda Manchester United ay sugi doontaa natiijada baaritaannada si loo ogaado heerka dhaawaca soo gaaray kabtankoodii hore.

Waxaana xaaladdu uga sii dartay martida markii Benjamin Šeško uu isaguna dhaawacmay dhamaadkii ciyaarta oo lagu qasbay in boxo iyada oo United lagu qasbay in ay 10 xiddig ku dhamaysato ciyaarta maadama ay dhamaan wada adeegsadeen badalkii loo ogolaa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga