
Barcelona ayaa xaqiijisay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Marc Casado uu garoomada ka maqnaan doono labada bilood ee soo aadan ka dib markii uu dhaawac jilibka ah ka soo gaaray kulankii ay 4-2 kaga badiyeen Atletico Madrid habeenkii axada.
Xiddiga 21-sano jirkaan ayaa lagu qasbay inuu ka baxo bartamihii qeybta labaad, wax yar ka hor dhamaadka ciyaarta.
Warbixin ay soo saartay Kooxdu Salaasadii ayaa lagu xaqiijiyay in Casado uu haawac halis ah ka soo gaadhay jilibka lugta midig kulankii Atletico Madrid.
Waxa ay u diidi doontaa Casado fursad uu ugu biiro qaranka Spain, ka dib markii uu si buuxda u saftay bishii November ee kulankii Switzerland, iyadoo dhaawacan uu ka saaray kooxda horaantii isbuucaan.
Be the first to comment