Dhirbaaxo: Arsenal Oo Dhaawac Ku Wayday Xiddig Kale Oo Laf Dhabar U Ah Kooxda.

Kooxda Arsenal ayaa war xun ka heshay fasaxa xulalka iyada oo mar kale dhaawac ku wayday mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxdeeda.

Difaaca Arsenal Gabriel Magalhaes ayaa dhaawac looga saaray kulankii xulka qarankiisa Brazil saaxiibtinimada la ciyaarayeen xulka Senegal.

27-jirkan ayaa si liidata uga baxay ciyaarta daqiiqaddii 64-aad ee kulanka ka dhacay Emirates Stadium, waxaana la arkayay isaga oo tilmaamaya gudaha bowdadiisa midig intii uu wada hadlayay dhakhaatiirta xulka Brazil.

Brazil ayaa Salaasada kulan kale oo saaxiibtinimo kula ciyaari doonta Tunisia magaalada Lille, balse waxa aad loo saadaalinayaa in aan halis loo gelin Gabriel oo aan la ciyaarsiin.

Arsenal ayaa rajaynaysa in Gabriel uu diyaar u noqdo ciyaarta ay todobaadka dambe la ciyaari doonaan kooxda Tottenham kulan ka tirsan premier League.

Dhaawaca Gabriel ayaa imanaya kadib markii sidoo kale dhaawac looga saaray daafaca Riccardo Calafiori waajibaadka xulka qarankiisa Italy.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga