
Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in Riccardo Calafiori uu garoomada ka maqnaan doono todobaadyada soo socda kadib dhaawac jilibka ah oo ka soo gaaray waajibaadka xulkiisa.
Xiddiga reer Italy ayaa dhaawac uga baxay waajibaadka xulka qarankiisa gaar ahaan kulankii Germany ee Nations League todobaadkii hore.
Calafiori ayaa dhawaan loo diray baaritaanno lagu ogaanayo darnaanta dhaawaciisa, Arteta ayaana xaqiijiyay in, inkastoo uu nasiib u yeeshay inuu ka fogaado dhaawac halis ah waxa uu xiddiga 22 jirka ah garoomada ka maqnaan doonaa muddo uu kaga soo kabsanayo dhaawaca.
“Riccardo nasiib darro mar kale ayuu dhaawac ka soo gaaray xulka qaranka,” Arteta ayaa yiri.
“Runtii waa nasiib darro sida ay wax u dhaceen”.
“Marka waxaan rajeynayaa inay noqon doonto arrin toddobaadyo ah. Laakiin waa inaan aragnaa sida uu dhaawacaas u kobcayo.”
Be the first to comment