Dhibaatada ugu weyn ee Manchester United oo lasoo bandhigay & Halyeeygeedii oo afka furtay

0

Peter Schmeichel ayaa ku dooday in inkasta oo ay habboonayn in Lisandro Martínez uu dareenkiisa ku soo bandhigo warbaahinta, haddana eedeymaha uu u jeediyay maamulka Manchester United ee la xiriira qorshaha dhismaha kooxda ay yihiin kuwo xaqiiqo ah oo aan ka fogeyn dhabtaa.

Isagoo ka hadlayay barnaamijka The Overlap Daily, goolhayihii hore ee halyeeyga ahaa ayaa sheegay inaysan jirin ciyaaryahan uu jeclaan lahaa inuu sidaas oo kale u hadlo xilligii uu tababari jiray Sir Alex Ferguson.

Advertisment

Si kastaba ha ahaatee, Schmeichel wuxuu  qiray in Martínez uu taabtay barta xasaasiga ah ee ay Manchester United qalad ka samaysay, iyadoo xoogga saaray dhanka weerarka halkii ay ka dhisi lahaayeen aasaas adag oo dhanka daafaca ah.

“Kooxda waxaa laga dhisaa xagga dambe,” ayuu yiri Schmeichel. “Annagu waxaan sameynnay wax ka soo horjeeda, waxaan ka soo dhisnay dhanka hore.”
Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo Martínez uu si aan gabasho lahayn u weeraray maamulka iyo maamulka farsamada ee Jason Wilcox kadib guuldarradii Atlético Madrid, kahor inta usan kooxda ka raalligelin wixii dhacay.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here