Dhaawac Lama Filaan Ah Oo Cole Palmer U Diidaya In Uu U Ciyaaro Kooxdiisa Kulamada Soo Socda.

Tababaraha Kooxda Chelsea Enzo Maresca ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in xiddiga kooxda Cole Palmer uu ka maqnaan doono “Blues” saddexda ciyaar ee soo socda.

Maresca ayaa ku dhawaaqay arrintan intii lagu jiray shirkiisii jaraa’id maanta, taas oo taageerayaasha gelisay xaqiiqda ah in uu maqnaan doono ciyaaryahanka oo ku jira safka weerarka ugu muhiimsan ee kooxda.

Maqnaanshahan lama filaanka ah ayaa caqabad weyn ku noqonaya tababaraha, gaar ahaan iyadoo kooxda ay isku dayeyso inay xoojiso booskeeda oo ay gaarto natiijooyin wanaagsan horyaalka iyo tartamada kale.

Maresca ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday sababta rasmiga ah ee uu Palmer u maqnaanayo, isagoo sheegay in ay ka dhalatay shil yar oo guriga ka dhacay.

Wuxuu tilmaamay in dhaawacu ku yaallo fartiisa, isaga oo taageerayaasha u xaqiijiyay in dhaawacu “uusan halis ahayn” oo “aan laga welwelin”, balse uu u baahan yahay naso khasab ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga