DEG-DEG: Xiddiga Sannadka Ee Qaaradda Afrika Oo Lagu Dhawaaqay

Weeraryahanka reer Nigeria ee Victor Osimhem ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sannadka ugu fiican qaadda Afrika ee CAF Men’s Player of the Year for 2023 ee uu bixiyo xidhiidhka kubadda cagta ee Afrika.

23 jirkan oo kooxdiisa Napoli ka caawiyey in ay ku guuleysato horyaalka Serie A xilli-ciyaareedkii hore, ayaa waxa uu abaal-marinta xiddiga Afrika ee sannadka ku garaacay Mohamed Salah oo Liverpool u ciyaara, Achraf Hakimi oo u dheela PSG iyo laacibka kooxda Al-Nassr ee Sadio Mane.

Victor Osimhema yaaa noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee reer Nigeria ah ee ku guuleysta abaal-marintan tan iyo sannadkii 1999kii, waqtigaas oo uu laacibkii Arsenal ee Nwankwo Kanu ku guuleystay abaal-marinta xiddiga Afrika ee CAF.

Waxa kale oo uu noqday ciyaartoygii labaad ee ka ciyaara horyaalka Talyaaniga ee Serie A ee ku guuleysta abaal-marintan tan iyo sannadkii 2010 oo uu Samuel Eto’o oo ka tirsanaa Inter Milan uu si la isku raacsan yahay ugu guuleystay.

Gool-dhaliyahan reer Nigeria oo Napoli u saxeexay 26 gool 32 kulan oo horyaalka Serie A ah xilli-ciyaareedkii tegay, isla markaan ak caawiyey in ay ku guuleystaan horyaalka oo ay kooxdaasi ka qatanayd 33 sannadood, ayaa waxa kale oo dhowaan uu ku guuleystay ciyaartoyga ugu fiican horyaalka Talyaaniga ee Serie A.

Xaflad lagu qabtay waddanka Morocco ayaa waxa kale oo goolhayihii sannadka ku guuleystay Yassin Buno oo ah goolhayaha xulka Morocco, halka tababarihii sannadkana uu qaatay tababaraha xulka Morocco ee Walid Regragui kaddib markii xulka dalkaasi uu gaadhay afar-dhamaadka Koobkii Adduunka ee lagu qabtay waddanka Qatar.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga