DEG-DEG: Xiddig U Ciyaara Man United Oo Dhaawac Ku Seegaya Inta Ka Dhiman Xilli Ciyaareedka.

Xiddiga Manchester United Amad ayaa laga yaabaa inuu seego inta ka dhiman xilli ciyaareedka.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Ivory Coast ayaa lagu soo waramayaa inuu dhaawac ka soo gaaray canqowga isagoo ku jira tababarka, waxaana la filayaa inuu waqti dheer ka maqnaado garoomada.

Wali lama qiimayn xaaladiisa laakiin waxa laga cabsi qabaa in uu garoomada ka maqnaado inta ka dhiman xilli ciyaareedka.

Amad ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Red Devils ka hor inta uuna dhaawacmin waxana uu kooxda ka caawiyay in ay gaadho guulo muhiim ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga