DEG-DEG: Xavi Hernandez Oo Shaqada Laga Caydhinayo Iyo Tababaraha Lagu Beddelayo

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa shaqada ka caydhinaysa tababaraheed Xavi Hernandez, kaddib guul-darradii Arbacadii ay kala kulmeen kooxda yar ee reer Belgium oo 3-2 kusoo karbaashtay, taas oo ahayd guul-darradii labaad ee xidhiidh ah ee soo gaadha Barcelona.

Boodhka maamulka Barcelona ayaa la sheegay in ay su’aal iska weydiinayaan kartida tababare Xavi Hernandez oo horraantii usbuucanna uu madaxweyne Joan Laporta ku amray inuu kooxda kusoo daro saddex ciyaartoy oo uu hore Xavi uga reebay liiska xiddigaha uu ula safrayay waddanka Belgium, kuwaas oo kala ahaa Robert Lewandowski, Ilkay Gundogan iyo Ronald Araujo.

Warbaahinta waddanka Spain ayaa ku warramaysa in Deco oo ah agaasimaha ciyaaraha Barcelona ay isku dhaceen Xavi oo aanu xidhiidhkoodu fiicnayn, isla markaana uu tababarahani lumiyey kalsoonida boodhka maamulka kooxda.

Wariyaha ciyaaraha Ferran Correa oo ka tirsan wargeyska Sport ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa sheegay in boodhka maamula naadigu ay hadda bilaabeen inay wax iska weydiiyaan tababare Xavi, isla markaana aanay wax kalsooni ah ku qabin oo ay doonayaan in la eryo.

Xavi ayaa kooxdiisu ay guul-darro 4-2 ah kala kulantay Girona fiidkii Axaddii toddobaadkan,w axaanay u dhacday kaalinta afraad ee horyaalka LaLiga, halka Champions League ay Antwerp iyo Shakhtar Donetsk ku garaaceen wareeggii Group-yada, laakiin ay kaalinta koowaad kaga soo baxday group-kaas.

illaa hadda ma cadda tababaraha ay Barcelona doonayso inay ku beddesho Xavi, laakiin waxa la hadal hayaa Rafael Marquez oo ah macallinka kooxda da’yarta Barcelona oo ay Camp Nou ka wada ciyaari jireen Xavi iyo sidoo kale tababaraha Girona ee Michel oo la sheegay in Joan Laporta uu la dhacsan yahay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga