DEG-DEG: Thomas Tuchel Oo Qarka U Saaran In Uu Noqdo Tababaraha Xulka England.

Tababarihii hore ee Chelsea Thomas Tuchel ayaa lagu soo waramayaa inuu ugu cad-cad yahay shaqada tababaranimo ee xulka qaranka England.

England ayaan tababare joogto ah haysan tan ilaa markii uu Gareth Southgate ka tagay shaqada tababaranimo ee xulka England.

Lee Carsley waxa uu si ku meel gaar ah ula wareegay xilka xulka qaranka England isaga oo hogaaminayay kulamada caalamiga ah ee ugu dambeeyay.

Madaxda FA-ga ayaa dardar galiyay nidaamka shaqaalaysiinta ka dib guuldaradii lama filaanka ahayd ee England 2-1 kala kulantay Greece usbuucii hore.

Sida laga soo xigtay Sky Sports, wadahadalo ayaa u socda wakiilada tababaraha reer Germany si uu ula wareego xulka qaranka England.

Tuchel si dhakhso ah loogu magacaabi karaa tababaraha cusub ee xulka qaranka England hadii ay wadahadaladu horay u socdaan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga