
Kooxda Liverpool ayaa heshiis buuxa la gaadhay kooxda Crystal Palace oo ay ka doonayaan saxiixa Marc Guehi.
Liverpool ayaa haatan kooxda Palace kala heshiisay qiimaha xiddiga daafaca ka ciyaara si ay uga dhigaan Saxiixoodii ugu dambeeyay.
Xiddiga ayaa haatan tijaabada caafimaadka u maraya kooxda Liverpool si uu u dhamaystiro heshiiska saacadaha soo socda.
Xiddiga reer England ayaa wakhti hore heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Liverpool si uu ugu biiro.
Marc Guehi ayaa noqon doona saxiixa ugu dambeeya ee ay kooxdu samayso suuqa xagaagan
Be the first to comment