DEG-DEG: Saddex Xiddig Oo Man United Ka Maqnaan Doona FA Cup-ka.

Masiibada Dhaawacyada Man United ayaa maraya halkii ugu hoosaysay iyada oo la xaqiijiyay 3 xiddig oo seegi doona kulanka Semi-final-ka FA Cup-ka ee Axada.

Red Devils ayaa wajihi doonta Coventry kulankooda Wembley galabnimada Axada, waxaana ay waayi doonaan xiddigaha Mason Mount, Sofyan Amrabat iyo Willy Kambwala.

Seddexda ciyaaryahan ee maqan waxaa shaaca ka qaaday Fabrizio Romano kaasoo tilmaamay in United ay haatan gaadhay 60 xaaladood oo dhaawac iyo xanuun ah xilli ciyaareedkan.

Man United ayaa la dhibaatoonaysa dhaawacyada xilli ciyaareedkan taas oo saamyasay qaab ciyaareedka kooxda.

Man United ayaa si weyn ugu baahan in ay u gudubto wareega xiga ee tartanka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga