DEG-DEG: Mudada Uu Leny Yoro Ka Maqnaan Doono Garoomada Oo La Ogaaday.

Kooxda Man United ayaa war xun ka heshay xaalada dhaawac ee daafaceeda cusub ee Leny Yoro.

Yoro ayaa ku dhaawacmay kulankiisii 2-aad ee uu u ciyaaro kooxda Man United tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda.

Xiddiga ayaa ku dhaawacmay kulankii ay Man United la ciyaartay kooxda Arsenal kana tirsnaaa isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano, Man United ayaa baadhitaan dheeraad ah ku samayn doonta xiddiga maalmaha soo socda.

Laakiin wararka hor dhaca ah ayaa sheegaya in uu xiddigu garoomada ka maqnaan doono ku dhawaad 2 bilood kadib dhaawaca soo gaadhay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga