DEG-DEG: Mohamed Salah Oo Go’aan Ku Saabsan Mustaqbalkiisa U Gudbiyay Maamulka Liverpool.

Xiddiga garabka uga ciyaara Liverpool ee Mohamed Salah ayaa lagu soo waramayaa in uu maamulka kooxda ku war galiyay go’aan ku saabsan mustaqbalkiisa Kooxda.

Mohamed Salah ayaa si weyn loo hadal hayaa kadib dhacdadii dhexmartay isaga iyo Tababare Jurgen Klopp kulankii West Ham.

Arintaas ayaa keentay shaki laga qabo mustaqbalkiisa kooxda kadib wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan.

Laakiin wargayska The Athletic ayaa sheegaya in uu Mohamed Salah maamulka Liverpool u sheegay in uuna ka tagi doonin kooxda.

Isla wargayska ayaa sheegay in uu Mohamed Salah doonayo in uu sii joogo kooxda wixii ka dambeeya xilli ciyaareedka.

Waxa intaas dheer in ay Liverpool isku diyaarinayso in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga Xagaaga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga