
Manchester United ayaa ku dhawaaqday inay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Kooxda Wolves ee Matheus Cunha oo ay kala soo wareegeen Wolves.
Cunha ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee Ruben Amorim xagaagan isagoo doonaya inuu dib u dhiso kooxdii ku dhameysatay kaalinta 15-aad ee Premier League.
Man United ayaa bixisay lacagta lagu bur-burinayay heshiiska xiddiga ee Kooxda wolves oo ahayd 62.2 Milyan Euro.
Cunha oo lambarka No. 10 uga ciyaari doona ayaa dhaliyay 17 gool, waxaana uu caawiyay lix gool xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyay ee Wolves.
United ayaa isha ku haysay horumarka Cunha tan iyo qaab ciyaareedkiisii wacnaa ee Wolves ee Old Trafford kulankii furitaanka xilli ciyaareedkii 2023/24.
United ayaa la fahamsan yahay inay la dhacsan tahay rabitaanka Cunha ee ah inuu ku biiro xitaa Hadii ayna ka ciyaarayn yurub.
Be the first to comment