DEG-DEG: Man United Oo Laga Diiday Dalab Cusub Oo Ay Ka Gudbisay Jarred Branthwaite.

Kooxda Everton ayaa diiday dalabkii 2-aad ee ay Man United ka gudbisay saxiixa xiddiga Jarred Branthwaite.

Man United ayaa Jarred Branthwaite ka dhigatay bartilmaameedkeeda ugu weyn ee suuqa kala iibsiga xagaaga.

Red Devils ayaa laga diiday dalab hore oo dhan 35 milyan oo euro iyada oo Everton dalbanayso lacag intaas ka badan.

Man United ayaa dalab cusub oo dhan 45+5 milyan oo Guno ah ka gudbisay saxiixa xiddiga reer England.

Laakiin kooxda Everton ayaa isla markiiba diiday dalabkaas maadama ayna ku qancin.

Everton ayaa doonaysa in ay Jarred Branthwaite ku iibiso lacag ka badan 70 milyan oo euro.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga