DEG-DEG: Man United Oo Ku Dhaw Saxiixeedii Ugu Horeeyay.

Kooxda Man United ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Wolves ee Matheus Cunha sida ay sheegayaan wararku.

Man United ayaa doonaysa in ay Matheus Cunha ka dhigto saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa xagaaga si ay ugu xoojiso kooxda.

Wararka ayaa sheegaya in ay Man United ku dhawdahay in ay heshiiska shaqsiga ah la gaadho xiddiga Matheus Cunha.

Man United ayaa ku kalsoon in ay dhamaystiri doonto saxiixa xiddiga Matheus Cunha kaas oo heshiiskiisa lagu bur-burin karo lacag dhan 60 milyan oo euro.

Wararka ayaa intaas ku Daraya in ay Man United doonayso in ay heshiiska xiddiga dhamaystirto Bisha soo socota.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga