Kooxda Man City ayaa dhamaystirtay Saxiixa daafaca kooxda Crystal Palace ee Marc Guehi.
Man City ayaa saacadihii ugu Dambeeyay ku mashquulsnaaa Sidii ay u dhamaystiri lahaayeen Saxiixa daafaca dhexe.
Haatan saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay Man City heshiis afka ah la Gaadhay kooxda Crystal Palace SI ay u hesho Saxiixa daafaca dhexe.
Man City ayaa mar hore heshiiska shaqsiga ah la Gaadhay xiddiga si uu Ugu biiro kooxda.
Saxiixa Marc Guehi ayaa noqonaya saxiixii 2-aad ee ay kooxdu dhamaystirto suuqa January iyada oo horey ula soo wareegtay xiddiga Semenyo.
Be the first to comment