Manchester United ayaa u jeestay Michael Carrick si uu u noqdo maamulaha ku-meelgaarka ah, kadib markii qaar ka mid ah ciyaartoyda waaweyn ay diideen in Ole Gunnar Solskjaer dib loogu soo celiyo.
Carrick ayaa la wareegi doona hoggaanka kooxda ilaa dhammaadka xilli-ciyaareedka, taasoo noqon doonta markii labaad ee uu xilka qabto.
Solskjaer ayaa ahaa musharraxa ugu cadcad ee lagu beddeli lahaa Ruben Amorim oo xilka laga eryay, waxaana laba jeer wareysi laga qaaday jagadaas.
Laakiin arrintaas waa laga tanaasulay kadib markii qaar ka mid ah ciyaartoydu ay la tageen madaxda kooxda oo u sheegeen inaysan doonayn in Solskjaer dib loo soo celiyo.
Waxaa la fahamsan yahay in ciyaartoydu si cad u muujiyeen inay kalsooni yar ku qabaan Solskjaer, isla markaana ay doonayeen in Carrick uu hoggaamiyo kooxda inta ka dhiman xilli-ciyaareedka.
Halyeeyga United ee Solskjaer ayaa kooxda maamulayay intii u dhexeysay 2018 ilaa 2021, ka hor inta aan xilka laga ceyrin, kadib markii uu ku guuleystay 54 boqolkiiba 168 kulan oo uu mas’uul ka ahaa.
Be the first to comment