DEG-DEG: Liverpool Oo Tallaabo U Qaaday Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Suuqa January.

Kooxda Liverpool ayaa u muuqata in ay dhamaystirayso saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa kala iibsiga January sida ay sheegayaan wararku.

Wararka ayaa sheegaya in ay Liverpool heshiiska shaqsiga ah la gaadhay daafaca kooxda Club Brugge ee Joel Ordonez si ay uga dhigto saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa January.

Wararka ayaa sheegaya in ay Liverppol heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga 21 jirka ah ee daafaca ka ciyaara.

Liverpool ayaa haatan bilowday wadahadalada kooxda Club Brugge si ay u dhamaystirto saxiixa xiddiga reer Colombia.

Xiddiga 21 jirka ah ayaa doortay Liverpool isaga oo iska diiday kooxaha Chelsea Iyo Inter Milan oo doonayay saxiixiisa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga