
Kooxda Liverpool ayaa tallaabo u qaaday saxiixa xiddiga kooxda Newcastle ee Alexander Isak sida ay sheegayaan wararku.
Liverpool ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga Alexander Isak iyaga oo doonaya in ay ka dhigaan saxiixooda cusub ee suuqa xagaaga.
Sida laga soo xigtay Sky Germany, Liverpool ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga reer Sweden.
Isak ayaa doonaya in uu ku biiro Liverpool wakhtiga ugu dhakhsaha badan si uu xilli ciyaareedka cusub ugu bilowdo kooxda.
Kooxda Liverpool ayaa haatan wadahadalo kula jirta Newcastle si ay uga heshiiyaan qiimaha xiddiga.
Be the first to comment