Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay ka fiirsanayso in ay shaqada ka caydhiso tababaraha kooxda ee Arne Slot kadib bar-barihii Burnley.
Liverpool ayaa ku jirta qaab ciyaareed liita tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan inkasta oo ay lacag badan suuqa galisay xagaagii.
Reds ayaa ku jirta kaalinta 4-aad iyaga oo ka hadhay tartanka ay ku difaacanayso horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.
Maamulka Liverpool ayaa la filayaa in ay maanta shir deg-deg ah ku kulmaan si ay uga fiirsadaan xaalada kooxda.
Wararka ayaa sheegaya in ay maamulka Liverpool shaqada ka caydhin doonaan tababaraha reer Netherlands.
Be the first to comment