DEG-DEG: Liverpool Oo Ka Jawaabtay Dalab Looga Doonayay Fabio Carvalho.

Kooxda Liverpool ayaa u muuqata in ayna haatan aqbalayn wax dalab oo u imanaya xiddigaha kooxdeeda.

Liverpool ayaa diiday dalab ka yimid Southampton oo ku kacayay 15 milyan oo euro oo ay ku doonaysay xiddiga Fabio Carvalho.

21-sano jirkaan ayaa bartilmaameed u ahaa kooxda ka dhisan xeebaha koofureed bishii Janaayo ka hor inta uusan amaah ugu biirin Hull City, waxaana ay mar kale muujiyeen xiisahooda xagaagan ka dib markii ay u soo dalaceen Premier League.

Kooxda ayaa haatan miiska u saartay Liverpool dalab ay si toos ah ula wareegayso xiddiga laakiin maamulka Anfield ayaa diiday dalabka.

Liverpool ayaan wax rabitaan ah u qabin in ay amaah ku fasaxdo xiddiga hadii ay ku fasaxaysana qiimuhu waa in uu aad uga badnaado dalabka Southampton.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga