Liverpool FC ayaa la filayaa inay sii haystaab tababaraha Arne Slot ilaa dhammaadka xilli ciyaareedkan, sida xaaladdu hadda tahay.
Maamulka sare ee Liverpool ma rumaysna fikradda ah in la ceyriyo Arne Slot waqtigan, isla markaana la keeno tababare ku meel gaar ah ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka.
Waxaa sidoo kale la sheegay in:
Aan la tixgelinaynin in la eryo tababare ku guuleystay Premier League
Aan la doonaynin in la keeno tababare ku meel gaar ah iyadoo kooxda ay wali ku jirto tartanka Champions League, gaar ahaan wareegga quarter-finalka oo ay la ciyaarayaan Paris Saint-Germain
Maamulka kooxda waxay rabaan:
In la siiyo Arne Slot waqti uu ku hagaajiyo xaaladda kooxda
Waxay wali u arkaan inuu yahay ninka ugu habboon ee mustaqbalka fog
Go’aanka kama dambaysta ah ee ku saabsan mustaqbalka Arne Slot:
Waxaa la gaari doonaa dhamaadka xilli ciyaareedka, sida ay xaaladdu hadda tahay.
Be the first to comment