
Kooxda Liverpool ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe e weerarka uga ciyaara kooxda Bayer Leverkusen ee Florian Wirtz sida ay sheegayaan wararku.
Liverpool ayaa Florian Wirtz ka dhigatay bartilmaameedkeeda ugu weyn si ay ugu xoojiso Khadka dhexe xilli ciyaareedka dambe.
Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegay in ay Liverpool dalab 100 milyan wax ka badan ka gudbisay saxiixa xiddiga reer Germany.
Romano ayaa intaas ku Daraya in wadahadalada labada kooxood si Toos ah u socdaan isla markaas la filayo in maanta heshiis laga gaadho saxiixiisa.
Xiddiga Florian Wirtz ayaa mar hore Leverkusen u sheegay in uu kaliya doonayo in uu ku biro kooxda Liverpool.
Be the first to comment