
Xiddiga kooxda Napoli ee Khvicha Kvaratskhelia ayaa maamulka kooxdiisa ka codsaday in uu boxo suuqa January sida uu xaqiijiyay tababare Antonio Conte.
Khvicha Kvaratskhelia ayaa lala xidhiidhinayay kooxo badan oo reer yurub ah oo ay ka mid yihiin PSG Iyo Liverpool.
Kooxda PSG ayaa xitaa wadahadalo kula jirta Napoli si ay u hesho saxiixa xiddiga Khadka dhexe suuqa January.
Tababare Conte ayaa haatan xaqiijiyay in xiddiga garabka ka ciyaara dalbaday in uu ka tago kooxda Suuqa January.
“Kvaratskhelia wuxuu codsaday inuu ka tago kooxda”ayuu yidhi.
“Waxaan la hadlay Khvicha, wuxuuna xaqiijiyay qorshihiisa ah inuu si dhaqso ah uga tago kooxda”ayuu sii raaciyay.
“Waxaan isku dayay inaan ku qanciyo Kvaratkhelia inuu sii joogo laakiin wuxuu go’aansaday inuu tago oo uu tijaabiyo koox cusub”.
“Kooxda iyo wakiilkiisa ayaa hadda heli doona xalka … Kuma sii hayn karo Kvara halkan haddii uusan dooneynin inuu sii joogo”.
Be the first to comment