DEG-DEG: Jude Bellingham Oo Halis Ugu Jira Ganaax, Sabab.

Xiddiga Khadka dhexe ee xulka England Jude Bellingham ayaa wajahaya Ganaax uga imanaya UEFA kadib dabaal-dagii uu sameeyay ulankii Slovakia.

England ayaa 2-1 ku garaacday Slovakia Axadii iyaga oo goostay booskooda wareega xiga ee tartanka.

Jude Bellingham ayaa dhaliyay ool cajiib ah daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta isaga oo xulkiisa ka badbaadiyay guuldaro lama filaan ah ka hor inta uuna Kane dhalin goolka guusha wakhtigii dheeriga ahaa.

Bellingham ayaa sameeyay dabaal-dag kadib markii uu dhaliyay goolka bar-baraha ee xulkiisa.

Dabaal-dagaas ayay UEFA sheegtay in uu yahay mid jabinaya xeerka aasaasiga ah ee anshaxa suubban.

UEFA ayaa haatan xaqiijisay in la bilaabay baaritaan ku saabsan falka uu sameeyay xiddiga reer England kaas oo lagu eedeeyay in uu jabiyay shuruucda aasaasiga ah ee anshaxa suubban.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga