DEG-DEG: Jose Mourinho Oo Qarka U Saaran In Loo Magacaabo Badalka Jurgen Klopp Ee Liverpool.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawdahay in ay tababare cusub u magacawo tababarihii hore ee Man United iyo Chelsea Jose Mourinho.

Liverpool ayaa suuqa ugu jirta badalka Jurgen Klopp oo xaqiijiyay in uu isaga tagayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxda Liverpool ayaa haatan loola xidhiidhinayay tababaraha Sporting Lisbon ee Rúben Amorim.

Laakiin Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay joojisay wadahadaladii ay kula jirtay tababaraha reer Portugal.

Taas badalkiisa Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay u jeedsatay tababare Jose Mourinho.

Mourinho ayaa bilaa shaqo ah tan ilaa markii laga caydhiyay shaqada AS Roma xilli ciyaareedkan.

Warkan ayaa imanaya kadib markii Jose Mourinho lagu arkay kulankii ay Liverpool ka badisay Fulham.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga