Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal Declan Rice ayaa seegaya kulanka adag ee ay kooxdiisu la ciyaarayso Crystal Palace.
Arsenal ayaa kulan ka tirsan 8 Dhamaadka Carabao la ciyaari doonta kooxda Crystal Palace.
Gunners ayaa doonaysa in ay iska xaadiriso wareega Semi-final-ka tartanka isla markaas ka badiso kooxda Palace.
Kooxda Mikel Arteta ayaa kulanka ciyaari doonta iyada oo uu ka maqan yahay xiddiga khadka dhexe ee Declan Rice.
Declan Rice Ayaa kulanka kulanka ku seegaya sabab la xidhiidha dhaawac ka soo gaadhay kulankii Everton.
Arsenal ayaa qiimayn doonta xaalada xiddiga kadib kulanka bartamaha todobaadka.
Be the first to comment