Milkiilaha kooxda Chelsea Todd Boehly ayaa lagu eedeeyay inuu qabo fikradda ah in Blues ay dhawaan la kulmi doonto ganaax dhanka suuqa ah.
Boehly iyo Clearlake Capital waxay hormuud ka ahaayeen kharashaad badan tan iyo markii ay beddeleen Roman Abramovich bishii May 2022.
Si kastaba ha ahaatee, bixinta lacag ka badan 1 bilyan oo ciyaartoyda cusub ayaa keentay dhibaatooyin ka badan sidii la filayay, gaar ahaan garoonak dhexdiisa iyada oo kooxdu ku jirto kaainta 11 ee premier League.
Chelsea ayaa durba cadaadis ba’an lagu saaray si ay u gudbiso shuruucda Faa’iidada iyo Joogteynta Premier League, waxaa lagu soo waramayaa inay lagama maarmaan tahay in la abuuro lacago la taaban karo ka hor taariikhda xisaabinta ee soo socota ee June 30.
Haddii Chelsea ay ku guuldareysato inay sidaas sameyso waxa laga yaabaa in dhibco laga jaro sida haatanba lagu sameeyay kooxaha Everton iyo Nottingham Forest.
Wax yar ka dib markii ay yimaadeen Stamford Bridge, madaxda cusub ayaa iskood uga warbixiyey arrimo ay ka ogaadeen lahaanshaha hore, Abramovich iyo madaxdii hore ee kooxda ayaa la sheegay in ay sameeyeen jebinta sharciga.
Lacagaha sirta ah ayaa lagu eedeeyay in lagu shubay akoonnada dibadda, taas oo jabinaysa shuruucda Premier League ee hawshaas, Chelsea ayaana hadda sugaysa masiirkooda ciqaabta oo u muuqata mid aad u badan.
In kasta oo jebin kasta ay ku timid lahaanshaha milkiilayaal kale hadana kooxda ayaa wajahaysa ganaax kaas oo ah in laga ganaaxo suuqa kala iibsiga.
Be the first to comment