
Kooxda Bayern Munich ayaa doonaysa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Liverpool ee Cody Gakpo sida ay sheegayaan wararku.
Bayern Munich ayaa suuqa ugu jirta xiddig ka ciyaara garabka si ay ugu xoojiso kooxda suuqa kala iibsiga xagaagan.
Kooxda reer Germany ayaa doonaysay saxiixa xiddiga Leverkusen ee Florian Wirtz Laakiin Liverpool ayaa ku guulaysanaysa tartanka loogu jiro Florian Wirtz.
Sidaas darted Bayern Munich ayaa dareenkooda u jeedinaysa xiddiga Cody Gakpo kaas oo u ciyaara Liverpool.
Xiddiga Cody Gakpo ayaa muhiim ka ah kooxda Liverpool waxana uu kooxda u ciyaaray kulamo badan xilli ciyaareedkii dhamaaday.
Be the first to comment