
Kooxda Leverkusen ayaa diiday dalabkii ugu dambeeyay ee ay Liverpool ka gudbisay saxiixa xiddiga Florian Wrist.
Liverpool ayaa Wirst ka dhigatay bartilmaameeedka ugu weyn suuqa xagaaga.
Inkasta oo ay wakhti hore heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga hadana kooxda ayaa ku dhibaatoonaysa in ay heshiiska la gaadho kooxda Leverkusen.
Liverpool ayaa bilowgii todobaadkan miiska u saartay kooxda Leverkusen dalab dhan 113 milyan oo Euro.
Laakiin Leverkusen ayaa haatan si Rasmi ah u diiday dalabka Liverpool.
Kooxdab Leverkusen ayaa dalbanaysa lacag dhan 150 milyan si ay u fasaxdo xiddiga.
Be the first to comment