Kooxda Barcelona ayaa qarka u saaran saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa January iyada oo doonaysa in ay xoojiso kooxda.
Barcelona ayaa wadahadalo horuamr leh kula jirta Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Leverkusen ee Jonathan Tah.
Tababare Hansi Flick ayaa doonaya in uu Jonathan Tah ku xoojiyo kooxdiisa sida ay xaqiijiyeen wararku.
Si kasta ha ahaatee Barcelona ayaa kaliya haatan wadahadalo kula jirta si ay xiddiga u hesho marka uu heshiiskiisu dhoco.
Fabrizio Romano ayaa sheegay in ay Barcelona hogaaminayso tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga reer Germany.
Tababare Flick ayaa si shaqsi ah ula xidhiidhay xiddiga si uu uga caawiyo kooxda in ay heshiis Deg-deg ah gaadhaan.
Be the first to comment