DEG-DEG: Barcelona Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Xiddig U Ciyaara Liverpool.

Kooxda Barcelona ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga kooxda Liverpool ee Stefan Bajcetic sida ay sheegayaan wararku.

Barcelona ayaa dalab ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Liverpool si ay ugu xoojiso khadkeeda dhexe xilli ciyaareedka.

Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano, Barcelona ayaa dalab amaah ah ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Stefan Bajcetic.

Liverpool ayaa u furan in ay amaah ku fasaxdo xiddiga suuqa kala iibsiga xagaagan maadama uuna boos joogto ah ka heli doonin kooxda.

Stefan Bajcetic ayaa dalab ka helay kooxda RB Salzburg Salaasadii waxana ay labada kooxood ka heshiiyeen saxiixa xiddiga.

Laakiin Barcelona ayaa haatan dalab 4 milyan oo amaah ah ka gudbisay xiddiga khadka dhexe si ay saxiixiisa ugu garaacdo kooxda RB Salzburg.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga