DEG-DEG: Arsenal Oo Ogaatay Muddada Uu Bukayo Saka Maqnaan Doono

Tababaraha Kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawac ee xiddiga Bukayo Saka.

Saka ayaa ku dhaawacmay kulankii ay kooxdiisu Arsenal ka badisay kooxda Crystal Palace kulan ka tirsanaa premier League.

Baadhitaan kadib waxa la xaqiijiyay dhaawaca xiddiga oo noqday mid muruqa ah.

Tababaraha Kooxda ee Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in dhaawac go’niin ah muruqa ka soo gaadhay xiddiga reer England.

Isla markaas Arteta ayaa xaqiijiyay in uu Saka garoomada ka maqnaan doono muddo dheer si uu uga soo kabsado dhaawaca.

Saka ayaa la filayaa in uu garoomada ka maqnaado 3 ilaa 4 todobaad kadib dhaawaca muruqa ah ee soo gaadhay.

Mikel Arteta ayaa hadlay, isagoo leh, “Dhaawaca Saka? Uma muuqato mid wanaagsan. Waxa uu garoomada ka maqnaan doonaa dhowr todobaad.”
Wuxuu intaas ku daray, “Waa dharbaaxo xooggan, waxay noqon doontaa caqabad adag.”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga