Arsenal ayaa laga soo diiday dalabkii furitaanka ee ay ku doonaysay xiddiga Botafogo Igor Jesus, sida laga soo xigtay majaladda Brazil ee RTI Esporte.
Gunners ayaa la sheegay in ay suuqa ugu jirto xal u helida weerarka iyada oo xiddigo muhiim ah ka dhaawacanyihiin sida Bukayo Saka kaas oo garoomada ka maqnaan doona muddo dheer.
Waxaa lala xiriiriyay dhowr weeraryahan oo ay ku jiraan xiddiga Wolves Matheus Cunha, Newcastle Alexander Isak iyo RB Leipzig Benjamin Sesko.
Sida laga soo xigtay majalada, Arsenal ayaa dalab amaah ah ka gudbisay 23 jirka dhaliyay 8 gool 5 kalena caawiye ka noqday xilli ciyaareedkan.
Sida ay wararku sheegayaan kooxda reer Brazil ee Botofoga ayaan diyaar u ahayn in ay amaah ku dirto xiddiga maadama ay doonayso in ay si toos ah u iibiso xiddiga iyaga oo ku qiimeeya 20 milyan oo euro
Be the first to comment