
Kooxda Arsenal ayaa war xun ka heshay tababarka iyada oo masiibadii dhaawacyada kooxdu sii socoto.
Kooxda Arsenal ayaa ku sugan Dubai halkaas oo ay ku qaadanayaan tababarka isku diyaarinta qaybta ka dhiman xilli ciyaareedkan.
Wararka ayaa sheegaya in Kai Havertz uu soo gaadhay dhaawac muruqa ah xilli uu ku jiro tababarka kooxda.
Ilaa haatan wax baadhitaan ah Laguma samayn xiddiga laakiin waxa looga shakisan yahay dhaawac muruqa ah.
Dhaawac Havertz ayaa ah mid imanaya iyada oo ay kooxda haatan Dhaawac uga maqan yihiin xiddigaha Saka, Jesus iyo waliba Martinelli.
Be the first to comment