DEG-DEG: Andy Robertson Oo Qarka U Saaran In Uu Ku Biiro Koox Weyn Oo Premier League Ah.

Kooxda Tottenham ayaa wadahadalo la furtay kooxda Liverpool iyaga oo ka doonaya saxiixa xiddiga daafaca Bidix ee Andy Robertson.

Tottenham ayaa xiddiga Robertson doonaysay in ay qaab xor ah kula soo wareegto xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Laakiin Haatan waxa ay horay ugu soo dhigeen suuqa January si ay u helaan xiddiga inta ka dhiman suuqan.

Liverpool ayaa aad u qiimaysa xiddiga Iyo wixii uu u soo qabtay kooxda waana sababta ay u ogolaadeen wadahadalada Tottenham.

Si kasta ha ahaatee Liverpool ayaa ku adkaysanaysa in wadahadaladu bilow yihiin oo aan wax heshiis ah la gaadhin.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga