DEG-DEG: Alvaro Morata Oo Ku Biiray Ac Milan.

Kooxda Ac Milan ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara ee Álvaro Morata.

Ac Milan ayaa bixisay lacagtii lagu bur-burinayay heshiiskiisa kooxda Ac Milan oo ahayd 13 milyan oo euro.

Morata ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la galay kooxda Ac Milan isaga oo ogolaaday heshiis wakhti dheer ah.

Kabtanka xulka Spain oo ku guulaystay Euro 2024 ayaa qalinka ku duugaya heshiis 4 sano oo uu ku joogayo kooxda Milan.

Xiddiga ayaa dib ugu laabanaya Italy oo uu horay ugaga soo ciyaaray kooxda Juventus.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga