Dean Huijsen Oo Seegaya Kulanka PSG Ee Club World Cup-ka, Sabab.

Xiddiga daafaca uga ciyaara ee Dean Huijsen ayaa ganaax ku seegaya kulanka PSG ee koobka kooxaha adduunka kadib markii uu qaatay kaadhka cas.

Tani waxay timid ka dib markii ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain uu qaatay kaarka cas kulankii ugu dambeeyay ee Real Madrid ay la ciyaartay Dortmund.

Huijsen ayaa qaatay kaarka cas xilli dambe ciyaartii ay Real Madrid 3-2 kaga badisay Dortmund ciyaar ka tirsaneyd siddeed dhammaadka Koobka Kooxaha Adduunka maalmo ka hor.

Sidaas darteed waxaa lagu ganaaxay kulan kaliya ka dib casaankii.

Si kastaba ha ahaatee, Huijsen ayaa heli doona fursad uu ku ciyaaro finalka koobka kooxaha aduunka hadii Real Madrid ay garaacdo PSG Arbacada.

Huijsen ayaa dhawaan Real Madrid uga soo biiray kooxda Bournemouth ee Premier League xagaagan.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga