Difaacihii hore ee Manchester United, Gabriel Heinze, ayaa lagu amaanay guusha ay Arsenal ka gaartay xilli ciyaareedkan.
Goolhayaha Arsenal, David Raya, ayaa sheegay in wax walba ay isbeddel sameeyeen tan iyo markii Heinze uu ku biiray shaqaalaha tababarka ee garoonka Emirates xagaagii.
Kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta ayaa kaliya hal guuldarro iyo hal barbaro la kulantay xilli ciyaareedkan.
Kooxda Arsenal ayaa tan iyo markaas u ciyaaraysay si cajiib ah, iyagoo afar kulan oo xiriir ah ku guuleystay horyaalka Premier League.
Kooxda waqooyiga London ka dhisan ayaa hadda hoggaanka u haysa horyaalka kadib markii Liverpool iyo Manchester City ay la kulmeen guuldarrooyin dhowaanahan.
Arsenal ayaa si gaar ah uga soo muuqatay dhinaca difaaca, iyagoo kaliya saddex gool laga dhaliyay 10-kii kulan ee ay ciyaareen Premier League.
David Raya ayaa ammaanay Gabriel Heinze, oo horay ugu guuleystay horyaalka Premier League isagoo la joogay Manchester United.
Raya wuxuu sheegay in dabeecadda iyo qaabka uu u shaqeeyo tababaraha u dhashay Argentina ay noqdeen wax lagu soo dhaweeyay kooxda.
Wuxuu Raya ku yiri kadib guushii ay Arsenal ka gaartay Burnley Sabtidii:
“Isagu [Heinze] waa nin, waa tababare doonaya inaan dagaalanno – si xoog leh oo xamaasad leh.
“Si aad u guuleysato ciyaaraha, waa inaad si fiican u difaacataa, gaar ahaan horyaalka sidan oo kale ah. Waa horyaalka ugu adag dunida”
“Waa inaad ahaataa mid aad u adag si aad u hesho guulo waa in aad ilaashato shabaqeeda”.
Be the first to comment