
Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta waa inuusan ka rajo dhigin ku guuleysiga Premier League, sida uu qabo David Luiz.
Tababaraha Liverpool ee Arne Slot ayaa ku horeeya tartanka sanadkan, halka uu Guardiola ku garaacay Arteta labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay.
Luiz, oo ku guuleystay Premier League intii uu joogay Chelsea ayaa Gunners ayaa u soo ciyaaray markii uu Arteta tababaraha ahaa.
Wuxuuna yiri: “Arsenal kuma aysan guuleysan horyaalka, sababtoo ah waxaa jira kooxo kale oo cajiib ah sida City”.
“Guardiola waxa uu City u rogay mishiin, laakiin sidoo kale Liverpool hadda iyo tababaraha cusub waa cajiib”.
“Arsenal waa in ay sii dagaalanto…malaha maalin maalmaha ka mid ah Chelsea iyo Arsenal ayaa mar kale ku guuleysan doona Premier League”.
Luiz ayaa aaminsan in taam ahaanshaha kabtanka Martin Odegaard ay Muhiim u tahay rajada Arsenal.
Wuxuu yiri: “Martin aad ayuu u koray, haatana waa ciyaaryahan heer caalami ah. Waa qof cajiib ah oo wuxuu isu beddelay hoggaamiye weyn.”
Be the first to comment