
Xiddiga weerarka uga ciyaara Liverpool ee Darwin Núñez ayaa si maldahan u xaqiijiyay in uu ku biirayo kooxda Napoli.
Kooxda Napoli ayaa lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga Darwin Núñez kaas oo ay Liverpool u ogoshahay in ay iska iibiso xagaagan.
Darwin Núñez ayaa muuqda mid xaqiijiyay in uu ku biirayo kooxda difaacanaysa horyaalka Talyaaniga ee Napoli.
Nunez ayaa ka jawaabay qoraal uu Fabrizio Romano ku sheegayo in uu Darwin Núñez Ku biirayo Napoli xagaagan.
Nunez ayaa doonaya in uu isaga tago Liverpool si uu u helo koox uu si joogto ah ugu ciyaaro xilli ciyaareedkan.
Be the first to comment