Darwin Nunez Oo Halis Ugu Jira In Uu Seegi Kara Kulanka Man City.

Darwin Nunez ayaa halis ugu jira in uu seego ugu yaraan 2 kulan oo uu ka mid yahay kulanka Man City.

Nunez ayaa haatan haysta 8 kaadh oo digniin ah xilli ciyaareedkan taas oo la macno ah hadii uu qaato laba kaadh koo kale in uu maqnaan doono 2 kulan.

Liverpool ayaa haatan dhaawacyo ku dhibaatoonaysa kulamadii ugu dambeeyay iyada oo ay ka dhaawacan yihiin Diogo Jota, Trent Alexander-Arnold & Alisson Becker.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa si joogto ah u qaata kaadhadka digniinta ah kulamada waxana ay taasi keeni kartaa in laga ganaaxo xiddiga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga